Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay kulan diiradda lagu saarayay la dagaallanka fikradaha nacaybka kuwaas oo bulshada ka dhex dhaca inta badan .
Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Tubsan, waxaana ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida culimada, dhalinyarada, haweenka, maamulka degmada iyo marti sharaf kale.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la kordhiyo wacyiga bulshada ee ku aaddan halista ay leedahay faafidda fikradaha nacaybka iyo sida looga hortagi karo fikradaha gurracan ee keena rabshadaha, kala fogaanshaha bulshada iyo khataraha amni darro
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Sacdiya Abdulkaadir yusuf