Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Horncenter Dialogue oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Galmudug, ayaa degmada Baxdo ee gobolka galgaduud ku qabatay kulan wadatashi bulsho ah oo diiradda lagu saaray kor u qaadidda ka qaybgalka shacabka ee dowladnimada, isla xisaabtanka iyo adeeg bixinta hufan.
Kulankan waxaa kasoo qaybgalay Wakiillo ka socda maamulka degmada Baxdo, Ururrada haweenka iyo dhalinyarada, Odayaasha dhaqanka, Hooyooyinka nabadda, Xubno ka tirsan golaha deegaanka.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdiyo Abdulkadir Yusuf