Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ciidanka Booliiska Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan waxda Arimaha Bulshada ayaa
Soo qabanqaabisay kulan looga hadlayeey hormarinta Nabadda Kaa oo lagu qabtay magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay .
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaal dhaqameed, haween, dhallinyaro, iyo wakiillo ka socday hay’adaha bulshada rayidka ah. Ujeedada kulanka ayaa ahayd in la dhiirrigeliyo doorka bulshada ee nabad-dhisidda, xalinta khilaafaadka, iyo iskaashi lagu xoojinayo amniga guud ee deegaanka koofur galbeed Somali.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf