Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka wadatashiga bulshada rayidka kaas oo saabsan Qorshaha Horumarinta Dowladda Jubbaland.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu hubiyo in qorshaha horumarinta Jubbaland uu ka tarjumayo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, isla markaana ay bulshada rayidka ahi ka yeeshaan doorkooda talo-bixinta.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf


