Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku qabatay kulan lagu daahfurayay Qorshaha Ilaalinta Bulshada ee sannadaha 2025 ilaa 2029.
Qorshahan ayaa diiradda saaraya horumarinta adeegyada bulshada, kor u qaadidda badbaadada dadka nugul, iyo xoojinta nidaamka ilaalinta xuquuqda bulshada ee deegaanka Jubbaland.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sacdiyo Abduqaadir Yusuf