Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa kulan la qaatay guddoomiyayaasha dhalinyarada tobanka xaafadood ee magaalada Baydhabo. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay sidii dhalinyarada magaalada Baydhabo loogu xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga, si loo horumariyo arrimaha dhalinyarada.
Guddoomiyaha dhalinyarada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa markii kulanka soo dhammaaday, warbaahinta la hadlay, isagoo ka warbixiyay mowduucyada iyo qodobada laga hadlay kulanka intii uu socday.
Warkan waxaa soo jeedineysa:Sadio Abdulkadir Yusuf