Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulankan oo ay ka qayb-galeen maamulka degmada Badhan ee gobolka Sanaag, aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa diiradda lagu saaray sidii looga hortagi lahaa tahriibka.
Doodo ku saabsan caqabadaha dhalinyarada ku riixa tahriibka iyo sida wadajir loogu joojin karo arrintan ayaa lagu falanqeeyay munaasabaddan.
Intii uu socday kulanka, waxaa dadkii ka qayb-galay ay si qoto dheer uga hadleen dhibaatooyinka iyo khataraha dhalinyarada ku soo wajaha waddada tahriibka.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali