Kulan looga hadlayey kordhinta gargaar oo lagu qabtay Baydhabo

0
86

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulankan ay soo qaban qaabisey Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlada KG ayaa la qaatey Hey’adaha Samafalka ee ka howlgala Deegaanada KG waxaana looga hadlay sidii ay Hey’adaha Samafalka u kordhin lahaayeen taageerada Bulshada ay siiyaan maadaama lagu gudo jiro Xili Roobaad si loo garab istaago bulshada kuwada Nugul.

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ahaa Madaxda Hey’adaha Samafalka Wasiirada Gargaarka, Qorsheynta, Caafimaadka iyo Biyaha.Sido kole shirka ayaa looga hadlay kordhinta Mashaariicda lagu Horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyadoona Hey’adaha halkaasi ku soo Bandhigeen qorshayaashooda u degsan.

Sacdio Abdulkadir Yusuf ayaa soo jeedinaysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here