Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa lagu qabtay kulan looga hadlaayay Nabadda kaasi oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socoday maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka , Ururada Haweenka, Labad maamul, Dhalinyaro iyo qaybaha kale duwan ee Bulshada Magaalada Galkacyo.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf