Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan wadatashi oo lagu gorfeeyey xeerka nadaafadda guud iyo maaraynta qashinka ee gobolka.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaasha wasaaradaha maamulka Gobolka Banaadir, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si qoto dheer uga dooday sidii sare loogu qaadi lahaa nadaafadda iyo maareynta qashinka caasimadda.
Abdifitah Mohamed Ahmed ayaa faah faahinaya.