Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho kuqabatay wadatashiga Siyaasada Tayada Qaranka oo muhiim u ah kaabeyaasha Tayada Qaranka kobaca dhaqaalaha iyo kor u qaadista ganacsiga.
Kulanka wadatashiga waxaa si rasmi ah u furay Xog-hayaha guud ee hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed Mudane Abdirizak Hussein Adan oo qeexay muhiimada ay leedahay in wadatashi lagala sameeyo bulshada qeybaheeda kala duwan iyo hay’addaha ay sida gaarka u qusayso gaar ahaan arimaha Caafimaadka, badqabka bulshada iyo ilaalinta deegaanka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Ahmed Mohamed Jama
Audio Player