Kylian Mbappe Oo Barbarreeyay Rikoor Uu Horay U Dhigay Thierry Henry

0
9

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kylian Mbappe ayaa mar kale ku qoray magaciisa taariikhda kubadda cagta France kadib markii uu dhaliyay goolkii labaad ee xulkiisa guusha 2-0 kaga gaaray Ukraine ciyaar ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka 2026.

Weeraryahanka 26 jirka ah ayaa daqiiqaddii 82aad shabaqa soo taabtay, taas oo ka dhigtay goolkiisii 51-aad ee uu u dhaliyo xulka France, isaga oo ciyaaray kaliya 91 kulan.

Mbappe ayaa sidaas kula sintay halyeeyga Thierry Henry, oo isna France u dhaliyay 51 gool balse saftay 123 kulan. Xiddiga reer Paris ayaa hadda noqday gooldhaliyaha labaad ee ugu sarreeya taariikhda France, isaga oo kaliya ka dambeeya Olivier Giroud, oo haysta 57 gool.

Marka la eego da’da yar ee Mbappe iyo heerka joogtada ah ee uu ciyaar kasta ku soo bandhigo, khubaro badan ayaa aaminsan in dhowaan uu dhaafi doono labadaba Henry iyo Giroud, isaga oo noqon doona gooldhaliyaha ugu weyn ee taariikhda xulka France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here