Kylian Mbappe oo iskaga tegaya PSG kaddib guul-darradii Koobka Adduunka

0
31

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kylian Mbappe ayaa geli doona fasax kaddib daalkii uu ak qaaday Koobka Adduunka ee xulkiisu uu finalka niyd-jabku kasoo gaadhay ee Argentina ay ka qaadday Koobka. Marka uu dib ugu laabto waddankiisa, waxa uu gilgili doonaa kooxdiisa PSG oo uu ka dalbadan doono in la iibiyo bisha January ee ay maalmaha kooban ka hadhsan yihiin.

Mbappe oo ku guuleystay kabta dahabka ah ee Koobka Adduunka markii uu saxeexay siddeed gool oo finalkii uu saddexlay ka dhaliyey, waxa la sheegay in aanu ku faraxsanayn in ay Lionel Messi usii wada ciyaaraan PSG, isaga oo maalmo ka horna amaan u jeediyey Cristiano Ronaldo si uu usii xumeeyo xidhiidhka kala dhexeeya xiddiga reer Argentina.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Mbappe ayaa si cad ugu wargelin doona PSG inuu doonayo inuu iskaga tago Parc des Princes, laakiin warku ma sheegin inay jiraan dalabyo uu laacibkani helayo amaba kooxo uu heshiis qarsoodi ah la galay oo uu doonayo inuu ka dego.

Sport waxa uu intaa ku daray, in Mbappe uu ka cadhaysan yahay sida ay kooxdu u weynaynayso Lionel Messi oo muddooyinkii dambe uu Nasser Al-Khelaifi meelo badan oo fagaareyaal ah kaga hadlay, kaas oo uu sheegay inuu wax walba u samaynayo sidii uu qandaraas cusub uga saxeexi lahaa.

Warka ayaa intaa  ku daray, in PSG ay aqbali doonto haddii ay hesho dalab xambaarsan €150 milyan oo Euro, sababtoo ah waxay doonayaan inay meesha ka saaraan xurgufta ciyaartoyda dhexdooda, maadaama horena ay Mbappe iskugu dhaceen Neymar.

Kooxaha Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo Real Madrid ayaa la sheegay in dhamaantood ay danaynayaan saxeexa laacibkan, balse xaqiiqada ah in ay PSG ku bixinayso €150 milyan oo Euro ayay naadiyadu shaki gelinayaan maadaama xagaagii hore ay PSG diidday dalab €180 milyan oo Euro ahaa oo Real Madrid ay kaga doonaysay Mbappe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here