Kylian Mbappe Oo Shaaciyay Halka Uu Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Dambe

0
86

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)- Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa xaqiijiyay inuu la sii joogi doono kooxda heysata horyaalka France xilli ciyaareedka 2023-24, isagoo si ku meel gaar ah u soo afjaraya shakiga mustaqbalkiisa.

24-sano jirkaan ayaa ka yaabiyay kooxaha waaweyn ee yurub ee doonayay isaga oo qalinka ku duugay heshiis cusub iskana diiday kooxo ay ka mid yihiin Liverpool, Man United iyo Real Madrid xagaagii hore.

Laakiin bilo yar kadib markii uu saxiixay heshiiska cusub waxa uu kooxdiisa PSG ka diiday heshiis cusub oo lama filaan ah oo ay kooxdu u soo bandhigtay taas oo keentay warar la xidhiidhinaya kooxaha kale.

Waxa la fahamsanyahay in ay PSG jabisay balan ay u qaaday Mabappe markii uu heshiiska cusub sxiixayay isla markaas uu doonayo in uu isaga tago kooxda maadama uu dareemayo in la khiyaameeyay.

Real Madrid ayaa wali la aaminsanyahay in ay xiiso u qabto xiddigii hore ee kooxda Monaco laakiin Los Blancos ayaa u baahan in ay sugto ilaa sanadka 2024 si ay ula saxiixato xiddiga.

isagoo warbaahinta kula hadlayay xafladdii Axadda ee dhamaadka xilli ciyaareedka Ligue 1 – halkaasoo markii afaraad loo caleemo saaray ciyaaryahanka sannadka – Mbappe ayaa meesha ka saaray in xagaagan uu ka tagi doono kooxda.

“Majiraan wax xiriir ah oo dheeri ah oo ku saabsan mustaqbalkayga, aad ayaan ugu faraxsanahay halkaan PSG iyo doorashadayda inaan qeyb ka noqdo mashruucan, halkaan waxaan joogi doonaa PSG xilli ciyaareedka soo socda,” weeraryahanka ayaa ku jawaabay, isagoo horey u sheegay inuu sii joogi doono. si ay ugu dambeyntii PSG ugu guuleysato Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here