Lamine Yamal oo heshiis waqti dheer ah la Saxiixday Kooxda Barcelona.

0
65

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xiddiga da’da yar ee kooxda Barcelona, Lamine Yamal, ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis cusub oo waqti dheer ah, kaas oo uu kooxda kula sii joogi doono ilaa xagaaga sanadka 2031.

Heshiiskan cusub ayaa muujinaya kalsoonida ay kooxda Barcelona ku qabto Yamal, kaas oo si degdeg ah u noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee safka koowaad ee kooxda. Sidoo kale, mushaharka ciyaaryahanka ayaa la sheegay inuu kor u kacay, taasoo ah abaalmarin uu ku muteystay bandhigyadiisii heerka sare ahaa ee uu la yimid xilli ciyaareedkan.

Lamine Yamal, oo ah 17 jir, ayaa si lama filaan ah u soo shaac baxay, isagoo noqday mid si joogto ah ugu ciyaara kooxda koowaad ee Barcelona. Kahor inta uusan gaarin da’da 18 sano, waxa uu kooxda u saftay 106 kulan, isagoo dhaliyay 25 gool kana caawiyay 34 kale – tirooyin layaab leh oo muujinaya mustaqbal ifaya oo uu u leeyahay ciyaaraha heerka caalami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here