Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Haweenka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta dhar-ciid u qeybiyeen carruurta agoonta ah iyo kuwa naafada ah ee aragga la’. Munaasabaddan oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay daryeelka iyo garab istaagga ay dowladda iyo ururrada bulshada u hayaan carruurta nugul, gaar ahaan xilliyada ciidaha
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed