Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)- Leo Messi ayaa aqbalay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa kadib markii loo xaqiijiyay in soo laabashadiisa Barcelona macquul tahay sida laga soo xigtay Sique Rodriguez.
Barca ayaa la filayaa inay u soo bandhigto 35-jirkaan mushaar ku dhow €10-13m sanadkii taasoo ka dhigi doonta kaalinta 3-aad liiska dadka ugu dakhliga badan Blaugrana xilli ciyaareedka dambe.
Xiddiga reer Argentine ayaa kooxdiisa PSG haatan ka qaata lacag dhan 35 milyan oo euro sanadkii taas oo la macno ah in uu si weyn hoos ugu dhigay mushaharkiisa.
Barcelona ayaa sidoo kale ka shaqayn doonta dhimista mushaharka ciyaartoyda kale si ay oos ugu dhigto mushaharka si ay u diwaan galiso Messi marka uu soo laabto.
Horaantii, waxaa la sheegay inay muhiim u tahay Leo inuu ogaado meesha uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis cusub hadii uuna ku biirin Barcelona.