Liverpool ayaa ku qasban in ay dhamaystirto saxiixa cajiibka ah ee Alexander Isak xagaagan hadii ay doonayso in ay sii xajisato horyaalka Premier league.
Taasi waa sida uu qabo halyeeyga Reds Mark Lawrenson, kaasoo aaminsan inay u baahan yihiin inay wax ka qabtaan boos kale ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Newcastle ayaa diiday dalab 110 milyan ginni ah oo ay Liverpool ka gudbisay Isak todobaadkii hore.
TalkSPORT ayaa fahansan in Magpies ay diyaar u tahay in ay iska iibiso isak hadii ay la soo saxiixato badalkiisa oo ay u doonayso Benjamin Sesko.
Benjamin Sesko ayaa u muuqda mid iska diiday Newcastle United isaga oo ka doortay kooxda Man United.
Taas ayaa keeni karta in ay Newcastle diido in ay iibiso isak inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan laakin Lawrenson waxa uu soo jeediyay in Liverpool ay sameyso waxa ay awoodo si ay ula soo wareegto.
Isagoo la hadlayay TalkSPORT daafacii hore ayaa bixiyay jawaab fudud markii la weydiiyay hadii ay ku guuleysan karaan horyaalka La’aantiis Isak.
“Waxa suurtagal ah in aan mu murmo oo aan idhaahdo Maya, sababtoo ah kooxaha sida Chelsea iyo Arsenal, dhamaantood way xoojinayaan miyaanay ahayn? marka, maya, run ahaantii.”
Andy Townsend ayaa intaa ku daray: “Dabcan, dhammaan waxa diirada la saarayaa Isak laakiin sidoo kale waa in la eego daafaca dhexe”.