Liverpool Oo Dalbatay In Lagu Celiyo Ciyaartii Tottenham Ee Shalay – Miyuu Sharcigu Ogol Yahay?

0
91

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababare Jurgen Klopp ayaa wixii shalay kooxdiisa ku dhacay ku tilmaamay waalli, kaddib markii gool sax ah laga diiday iyadoo garsooreyaashu ay ku fashilmeen inay kasoo hubiyaan VAR, sidoo kalena kaadhkii hore ee la siiyey Diogo Jota uu qalad ahaa oo aanu taaban ciyaartoyga lagu eedeeyey inuu qaladka ku galay, isla markaana kaadh kale oo degdeg ahaa oo laga baaqsan karayay loogu daray.

Falalkii dhacay kulakii Tottenham ay 2-1 kaga adkaatay Liverpool, waxay abuureen in Reds ay tirsato caddaalad-darro weyn oo kaga timid dhinaca garsoorka, waxaanay is-weydiiyeen in iyadoo qalad uu sameeyey Curtis Jones laga soo eegay VAR si casaan loo siiyo, in gool sax ah oo ay dhaliyeen laga diiday iyadoo aan laga soo eegin VAR.

Jamaahiirta kooxda ayaa wixii ku dhacay kooxdooda ka falceliyey waxaanay usoo jeediyeen maamulka Premier League in lagu celiyo ciyaartaas oo go’aankeeda iyo natiijadeedaba ay meel sii dhigeen garsooreyaashu, sida ay taageereyaasha Liverpool ku doodeen.

Ciyaarta oo 0-0 ah ayuu Luiz Diaz gool u dhaliyey Liverpool, waxaanay ahayd waxyar kaddib markii casaanka la siiyey Jones, hase yeeshee calan-wadaha iyo garsooraha dhexe ayaa isku raacay in uu offside ahaa goolkaas, balse VAR oo ay ahayd inay qaladkooda saxdo ayaa afka ka xidhatay dhacdada.

Kaddib markii uu xidhiidhka gasooreyaasha PGMOL uu xalay sheegay in gef laga galay Liverpool, taageereyaasha kooxdaas ayaa sheegay in la dhacay naadigooda oo aanay raalligelin la siiyo ku filnayn, taas beddelkeedana ay tahay in lagu celiyo ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here