Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Liverpool ayaa qiimeyn ku sameysay xiddigeeda khadka dhexe ee Harvey Elliott iyadoo lagu qiyaasay ilaa £50 milyan, balse sida laga soo xigtay The Athletic, kooxda kama shaqeyneyso inay iibiso ciyaaryahanka hibada leh, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo bisha Juun 2027.
Si kastaba ha ahaatee, Elliott oo 22 jir ah ayaa hadda ka fiirsanaya fursadihiisa, maadaama uu doonayo inuu boos ka helo xulka England ee ka qeybgalaya Koobka Adduunka 2026.
Ciyaaryahanka ayaa dhawaan loo magacaabay Xiddigii Tartanka kaddib markii uu xulka England U21 ku hogaamiyay guushii European Championship, taasoo muujisay kororka tayadiisa.
Inkasta oo uu guulo ka gaaray heerka da’yarta, haddana Elliott weli kama uusan ciyaarin xulka weyn ee England. Wuxuu ogyahay in fursad joogto ah oo uu ka helo kooxdiisa ay muhiim u tahay inuu ku guuleysto in loo doorto Koobka Adduunka.
Elliott oo ka soo baxay akadeemiyada Liverpool ayaa la fahamsan yahay inuu qiimeynayo haddii uu heli karo waqti ciyaareed ku filan xilli ciyaareedka cusub, maadaama uu inta badan kursiga keydka ku sugnaa xilli ciyaareedkii 2024–25. Wuxuu doonayaa inuu ka fogaado mar kale xaalad noocaas ah, maadaama uu marayo marxalad muhiim ah oo xirfadiisa ah.