Liverpool oo guul qaali ah ka gaartay West Ham

0
37

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ka dib ciyaar xaraarad yeelatay qeybta labaad , Liverpool ayaa guul hal gool ah waxa ay ka gaartay kooxda West Ham oo marti u aheyd sheekada Ciyaarta: Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay West Ham hal gool oo nadiif ah xilli kooxda burusleyda laga bad baadiyay rigoore loo dhigay dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta waxaana sidaas sameeyay goolhayaha Reds.Biloowgii qaab wacan ayay ku biloowdeen West Ham balse deg degsiimada Liverpool ayaa keentay in looga gacan sareeyo maamulka kubadda,Liverpool goolal intaas ka badan waa dhalin kareen balse waxaa muuqaneysay in xiddigo ay ka mid yihiin Nunes iyo Salah ay ka maqneyd wada shaqeynta oo iyaga ayaa wax waliba isla jeclaa .Sidaas oo ay tahay qadka dhexe Liveropool waa wacnaa meel waliba waa taagnaayeen xilli halista kubadda Liverpool laga dhisayay garabka middg Wets Ham halis gilin muuqata ma aysan sameyn waxaana muuqday habacsanaan wada shaqeyn  la`aan ah .Soo laabashadii Liverpool , waxaa ka maqnaa in kubadda si sax ah uga faa`ideystaan xilli mararka qaar %53 ay iyaga ku sareeyeen West Ham xoogaa waa ka fiicnaayeen sida qeybtii hore waxa ayna isku dayayeen in kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Reds waliba la qeybsadaanDhamaadkii kooxda martida waxa ay ku tiirsanaayeen rogaal celiska ah balse waxaa dilayay go`aan qaadasho deg deg ah halka Liverpool uu ka dhacayay qalad ah in si ka bad badis ah afka hore ugu soo dhaqaaqayeen  xilli waqtigii geerida gool xaqiiq ahaa uu ka bad baadiyay goolhayaha.Waqtigii geerida West Ham ayaa wacneyd balse si sax ah ugama aysan faa`ideytsan fursado ay heleen waxa ayna ciyaarta ku dhamatay halkaas gool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here