Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Liverpool ayaa si cad u sheegtay in garabkooda weerar ee reer Colombia, Luis Díaz, uusan iib ahayn, xilli ay sii kordhayaan wararka la xiriirinaya Bayern Munich – sida uu werinayo wariyaha lagu kalsoon yahay ee Florian Plettenberg.
Plettenberg ayaa sheegay in agaasimaha isboortiga ee Bayern Munich, Max Eberl, uu weli si dhow ula socdo xaaladda Díaz, inkasta oo aysan jirin wax heshiis rasmi ah oo ay labada dhinac gaareen. Wararka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in dhammaan dhinacyadu ay beeniyeen jiritaanka wax heshiis ah oo la gaaray.
Isbuucii la soo dhaafay, Eberl ayaa Liverpool weydiiyay su’aalo ku saabsan helitaanka ciyaaryahanka, laakiin kooxda Reds ayaa si cad u sheegtay in: “Luis Díaz haatan uusan iib aheyn.”
In kasta oo Bayern ay weli sahamineyso fursado kale oo suuqa ah, haddana waxay sii wadaan xiriirka ay la leeyihiin wakiillada ciyaaryahanka.
Xilli ciyaareedkii hore, Díaz wuxuu dhaliyay 17 gool, wuxuuna caawiye ka noqday 5 kale dhammaan tartamadii uu ka qeyb qaatay.