Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababaraha Bayern Munich, Vincent Kompany, ayaa la sheegay inuu si toos ah taleefan ugu xiriiray garabka kooxda Liverpool ee Luis Díaz, kaasoo si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku biiro kooxda reer Jarmal, isla markaana u sheegay Liverpool inuu doonayo inuu ka tago.
Bayern ayaa horay u dirtay dalab gaaraya €67.5 milyan (£58.6 milyan), balse Liverpool si degdeg ah ayay u diiday, iyadoo ciyaaryahanka ku qiimeyneysa wax ka badan €100 milyan, waxayna si cad u sheegtay inuusan suuqa yaallin waqtigan.
Wararka ka imaanaya gudaha Bayern Munich ayaa tilmaamaya in madax sare oo kooxda ka tirsan ay si buuxda u taageersan yihiin heshiiskan, iyagoo u arka Luis Díaz inuu yahay ciyaaryahan isla markiiba tayada kooxda sare u qaadi kara, ma aha oo kaliya maalgashi mustaqbalka fog.
Agaasimayaasha ciyaaraha Bayern ayaa haatan diyaarinaya dalab cusub oo ka weyn kii hore, iyadoo la rumeysan yahay in kaliya dalab ka badan €80 milyan uu qancin karo Liverpool.
Wadahadallo u dhexeeya labada kooxood ayaa weli socda, waxaana Bayern rumeysan tahay in rabitaanka ciyaaryahanka iyo dalabka cusub ee la diyaarinayo ay suuragal ka dhigi karaan in heshiisku hirgalo maalmaha soo socda.