Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u aqoonsatay maalintan sannadkii 2020, waxaana xuskeedii ugu horreeyay la qabtay 12-kii May 2022. Ujeedada maalintan waa in la baraarujiyo caalamka in caafimaadka dhirtu yahay tiir muhiim ah oo lagu gaari karo yoolalka horumarka waara sida ka hortagga gaajada, saboolnimada, iyo isbeddelka cimilada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug, Dr. Saleebaan Maxamed Saalax, ayaa ka hadlay dadaallada ay wasaaraddu ka waddo ilaalinta caafimaadka dhirta ee deegaanada maamulka Galmudug.
Warbixintaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor