Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maalinta Raadiyaha Adduunka waa maalin sannadle ah oo UNESCO u asteeysay 13ka Febraayo si loo xuso doorka raadiyaha ee isgaarsiinta iyo wacyigelinta bulshada.
Raadiyuhu waa warbaahin aad u muhiim ah oo gaarta malaayiin qof, gaar ahaan meelaha aan si fudud looga heli karin internet ama telefishin.
Sanad kasta, maalinta oo kale waxaa lagu xusaa mowduuc gaar ah, waxaana loo dabaaldegaa iyadoo idaacado caalami ah iyo kuwa maxalli ah ay sameeyaan barnaamijyo gaar ah, dood-cilmiyeedyo, iyo wacyigelin ku saabsan doorka raadiyaha
waxaa soo jeedineya:Abdullahi Abdulkadir Nor