Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb Cabdiraxman Cali Maxamed Geeda-qorow oo ay wehliyaan xoghaya maamulka Caasimada
Guddoomiyaha Degmada Guricel Mudane farah Abdi Mo’allim Taliska Qaybta Guud ee Police-ka Galmudug, Xildhibaanno,Ugaaska beesha cayr iyo Odayaasha Dhaqanka beshaasi ayaa deegaanka Laas-xaadoow uga Qayb-galay dhammaystirka Heshiis beelo walaalo ah oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas wada hadal uga socday.
Guddoomiye Geedqorow oo madashan daah furay ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gogosha kasoo qayb gashay qaasatan laba beel ee walaalaha ah oo oofiyey balankii lawada galay kulankan kii ka horeyay kana shaqeeyay in aysan dadka walaalaha dhibaato kale dhexmarin.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay dadka walaalaha ah in ay xoojiyaan nabada iyo xasiloonida degaanka ayna sidii u dhowraan cahdigii labada beel dhexmaray.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi