Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Galbeedka Gobalka Mudug

0
187

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Galbeedka Gobalka Mudug , Amniga goobihii lagu dagaalamay ee Labada Meygaag iyo Jiicboorna ku wareejiyay Ciidamo isku dhaf ah.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa aagga labada Meygaag uga qeyb galay kulan lagu kala qaaday Maleeshiyaadkii ku dagaalamay inta u dhaxaysa Labada Meygaag iyo Jiicboor iyadoo Amniga goobihii lagu dagaalamay lagu wareejiyay Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda labada Madaxtooyo ee Galmudug iyo Puntland iyo Ciidanka isku dhafka Gobalka Mudug, waxaana kulankaan ka qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Dowlad Goboleed ee Galmudug iyo Puntland.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here