Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo Daahfuray Ganacsi loogu abuuray 40 Qof oo ka mid ah barakayaasha magaalada.

0
42

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada Daahir Maxamuud Cilmi iyo Agaasimaha Waaxda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Ciise Geedi ayaa si wadajir ah daahfuray mashruuc isugu jiray labo qeybood kaas oo ay gacan ka geysanayaan Hay’addaha WFP iyo NRC

Mashruucaan ayaa isugu jira barida xirfado ay ku shaqeeysan karaan iyo ka gacan siinta abuurusta ganacsi ay nolashooda ku maareeyn karaan 40 qof oo laga soo xulay xeryaha barakacayaasha ee Galkacyo

Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada Daahir Maxamuud Cilmi iyo Agaasimaha Waaxda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Ciise Geedi ayaana ugu horeyn uga mahad celiyay Hay’addaha WFP iyo NRC garab istaaga bulshada reer Galkacyo gaar ahaan xubnaha maanta loo daahfuray mashruuca barashada xirfadaha iyo caawinta Dadka danta yar ee loo abuuray ganacsiga ee la siiyay wixii ay ku bilaabi lahaayeen Ganacsiga.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here