Maamulka deegaanka Docol Gobolka mudug oo ka mahadceliyay Ceel-biyood loo dayactiray.

0
4

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka deegaanka Docol ee gobolka Mudug iyo bulshada ku dhaqan halkaas ayaa si weyn uga mahadceliyay dayactirka lagu sameeyay ceel-biyood muhiim ah oo deegaanka ku yaalla. Ceelkan, oo muddo ka baxay shaqadiisa sababo la xiriira qalab xumaaday iyo dayac, ayaa dib loo hawlgeliyay kaddib markii la sameeyay dadaallo iskaashi ah oo dhexmaray hay’adaha samafalka iyo maamulka deegaanka.

Dayactirka ceelkan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee gobollada dhexe, iyadoo xoogga la saarayo xal waara oo wax looga qabanayo baahiyaha biyaha iyo nolosha dadka reer miyiga ah.

Waxaa soo jeedineya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here