Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Deegaanka Lafoole iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha wado muhiim ah oo isku xiri doonta qaar kamid ah xaafadaha deegaanka Lafoole. Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda deegaanka, odayaasha dhaqanka, iyo shacabka deegaanka oo si diirran u soo dhaweeyay mashruucan cusub.
Wadadan cusub ayaa la filayaa in ay si weyn u fududeyso isu socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana kor u qaado isku xirka bulshada iyo horumarinta ganacsiga gudaha.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed