Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Degmada Guriceel oo ay hor kacayaan Guddoomiyaha Degmada mudane farah Abdi Mo’allim iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Shafi’i Jama’ Abdi oo uu wehliyo agaasinka waxbarashada degmada ayaa dhagax-dhigay dhismaha school hoose’dhexe oo uu yelanayo deegaanka Otor’ oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Guriceel.
Guddoomiye faarah oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ayaa bogaadiyey bulshadan u heellan ka bixista jahliga maaddiga ah isaga oo tilmaamay in maamulka degmadu uu gacan ka gaysanyo horay u socodka wax-barashada reer miyiga’ waxa uu sidoo kalana carrabka ku dhuftay in agabka waxbarasho degmadu ka taageerayso.
Liban Mohamed Abdi ayaa faah faahinaya.