Maamulka degmada Balcad oo sheegay iney diyaar u ah soo dhoweynta dalxiisayaasha iyo sugida ammaankooda

0
32

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa ka qeyb galay afur wadareed lagu qabtay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasoo ay kasoo qeyb galeen xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeele iyo Maamulka Degmada Balcad.

Afur wadareedkaan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Cabdifitaax Shaaweeye, Taliyeyaasha Booliiska Miletare, iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here