Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Dowladda hoose ee Caabudwaaq ayaa bilowday dib u habeynta waddada muhiimka ah ee aada garoonka iyo jaamacadda, taasoo muddo dheer ahayd mid godod noqotay. Shaqooyinka hadda socda waxaa ka mid ah buuxinta godadka iyo hagaajinta meelaha burburay, si dadka deegaanka ay ugu safraan si sahlan oo ammaan ah. Waddadani ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka bulshada, waxayna qeyb weyn ka qaadataa dhaqaalaha iyo horumarka deegaanka.
Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi