Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Mas’uuliyiinta maamulka degmada Caabudwaaq ayaa si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda xiritaanka kulamo muhiim ah oo loogu talagalay dhallinyarada degmada iyo deegaanada hoos taga kuwaasoo diiradda lagu saarayay isdhexgalka nabadda, wada hadalka, iyo horumarinta doorka dhallinyarada ee nabadeynta.
Kulamadan oo socday muddo dhowr maalmood ah ayaa waxaa lagu qabtay gudaha degmada, waxaana ka faa’iideystay dhallinyaro kala duwan oo ka kala yimid xaafadaha Caabudwaaq. Ujeedada barnaamijkan ayaa ahayd in la kobciyo wacyiga dhallinyarada ee ku aaddan nabad ku wada noolaanshaha, iyo in la abuuro jawi furan oo lagu dhiirrigeliyo wada hadalka iyo isfahamka bulshada dhexdeeda.
Warkaan waxaa soo jeedineya: liibaan maxamad cabdi