Maamulka degmada Cadaado iyo Hay’adda Tadaamun oo deeq Raashin ah gaarsiiyay 1,000( kun) qosys oo ka mid ah dadka dan yarta.

0
6

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulak degmada Cadaado oo uu hogaaminayo gudoomiyaha degmada Faarax Diiriye Warsame iyo hay’adda Tadaamun oo wakiil ka ah xarunta gar-gaarka bini’aadanimada ee Boqor salmaanla Sacuudiga ay gaarsiisay deeq raashin ah 1,000( kun) qoys oo ka mid ah bulshada dan yarta ah ee ku nool degmada Cadaado.

Raashinkaan ayaa ka koobnaa Bariis,Bur,Baasto, Sonkor iyo saliid waxaana la gaarsiiyay dadkii mudnaa sida ay sheegeen masuuliyiinta hay’adda Tadaamun.

Gudoomiyaha degmada Cadaado ayaa sheegay in deeqdaan kooban aysan dabooli karin baahiyaha dadka danta yar ee ku nool degmada, waxaana uu u soo jeediyay qoysaska ka faa’iideysata in ay wax ka gaarsiiyay qoysaska kale ee danta yar ee dariskooda ah.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here