Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Masuuliyiink atirsan maamulka Degmada Cadaado iyo wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Galmudug ayaa booqsho ugu tagay In kabadan 700 qoys oo kasoo Barakacay deegaanno ka tirsan koofurta gobolka Mudug kuwaas oo ku sugan kaamamka Barakayaasha degmada Cadaado, dadkan oo aan haysan adeegyada aasaasiga ah ee nolosha ayaa codsaday in gargaar loo fidiyyo.
Agaasimaha guud ee wasaaradda gargaarka Gallmudug Maxamed Cabdullahi iyo guddoomiyaha Degmada Cadaado bFaarax Diiriye Warsame oo u kuurgalay xaaladda barakacayaashan ayaa sheegay inay u baahanyihiin in loo gurmado waxaana ay hay’adaha iyo dadka muxsiniinta ah ugu baaqeen inay soo garab istaagaan.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali