Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, xoghayaha degmada Cadaado Cabdiraxmaan Axmed Xirsi, madaxa Tuulooyinka iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Cadaado ayaa kormeer hawleed ku tagay deegaanka Xero-lo’aad oo qiyaasti 35km dhinaca bari ka xiga Cadaado
Mas’uuliyiinta maamulka degmada Cadaado ayaa ku guuleystay xalinta khilaaf maamul oo deegaankaas ka jiray, waxaana wafdigu kormeeray xaaladda nololeed ee bulshada deegaanka Xero-lo’aad.
Guddoomiye Faarax ayaa amray in la ilaaliyo biyaha xareedda ah ee galay xurfadda iyo baliyada deegaanka, si waqtiyada soo socda looga faa’iideysto, waxaana la mamnuucay in lagu dabaasho ama la wasaqeeyo.