Maamulka degmada ceel-guula oo ka qeyb galay furitaanka masjidka jaamica ee ceelguula.

0
38

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Gudoomiyaha degmada Ceel-Guula iyo qaar kamid ah culimada waxgaradka ee deegaanka ayaa si weyn ugu mahadceliyey ganacsatada iyo bulshada guud ahaan ee ka qaybqaadatay dhismaha masjidka Jaamica ee degmada Ceel-Guula.

Waxaa la sheegay in masjidkan cusub uu noqonayo xarun muhiim ah oo diimeed.

Gudoomiyaha degmada Ceel-Guula,ayaa tilmaamay in dhismaha masjidka Jaamica uu yahay mid muhiim ah, isla markaana uu ka tarjumayo is-kaashiga bulshada iyo dadaalka wadajirka ah ee dadka deegaanku ay ku gacan siiyeen samaynta goobaha diinta iyo bulshada loogu adeegayo.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here