Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxa Faya-dhowrka degmada Gaalkacyo, Cabdullaahi Cabdirahmaan Cumar, ayaa sheegay in ololaha nadaafadda toddobaadlaha ah uu si habsami leh uga socdo xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Wuxuu xusay in ololahan lagu dardar gelinayo nadiifinta waddooyinka, suuqyada, goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan, iyo xoojinta wacyigelinta bulshada si ay doorkooda uga qaataan ilaalinta nadaafadda deegaanka.
Cabdullaahi Cabdirahmaan ayaa intaas ku daray in howlgalka lagu fulinayo iskaashi dhexmaraya maamulka degmada, shaqaalaha faya-dhowrka, dhalinyarada, iyo qaar kamid ah ururrada bulshada.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Libaan Mohamed Abdi