Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Duqa Degmada Gaalkacyo, Mudane Cabdirahmaan Sheekh Xasan, ayaa baaq u jeediyay bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo, isaga oo ku booriyay in ay si firfircoon uga qeyb qaataan ololaha nadaafadda guud ee magaalada.
Duqa degmada ayaa sidoo kale faray ciidamada Booliska Gaalkacyo in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan dadka hareeraha wadooyinka ku shuba qashinka, taasoo uu ku tilmaamay fal wax u dhimaya bilicda iyo badqabka bulshada.
Abdulahi Abdulkadir Nor ayaa soo jeedinaya.