Maamulka Degmada Gaalkacyo oo lagu wareejiyey gaadiid danta guud.

0
53

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa jaaliyaddda Gobalka Mudug ee ku nool Dalka Kenya gaar ahaan Caasimadda Nairobi kala wareegay gaari cagaf ah ( Grader ) oo ay kusoo iibiyeen lacag tabarucaad ah oo ay iska aruuriyeen , gaarigaas oo loogu talagalay in uu ka qeyb qaato dhismaha Wadooyinka Gaalkacyo sida furista biyo mareenada Magaalada si xal loogu helo biyaha xilli roobaad kasta Magaalada kala xira. Waxaana munaasabadda la wareegitaanka gaarigaan oo ka dhacday bartamaha Magaalada Gaalkacyo goobjoog ahaa Gudoomiyaha Gobalka Mudug Cabdinaasir Cabdille , Guddoonka uurada haweenk iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Warkan waxaa faah faahinaya:Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here