Maamulka Degmada Gadoon oo Galmudug ka Codsaday in horumarinta laga taageero

0
48

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud, Cabdinaasir Cimaan Maxamed Qooje, ayaa wasaaradaha kala duwan ee dowlad-goboleedka Galmudug ka codsaday in la hirgeliyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay bulshada degmadaasi u baahan tahay, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo goobaha kale ee danta guud.

Guddoomiyaha ayaa xusay in maamulka degmada Gadoon uu diyaar u yahay wada shaqeyn buuxda iyo bixinta xogaha lagama maarmaanka ah si loo qorsheeyo mashruucyo horumarineed oo wax ka beddeli kara xaaladda nololeed ee shacabka degmadaas.

Sacdiyo Abdulkadir Yusuf ayaa warkan soo jeedinaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here