Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada Guriceel mudane Faarax Cabdi Mucallim oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenkaa Degmada’ Taliyaha Police-ka Degmada iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Degmada Guriceel ayaa saaka xarig jaray dhismaha ceel-biyood laga hir-geliyey deegaanka Gabbuun.
Guddoomiye Faarax ayaa dadka deegaanka ku bogaadiyey inay xil iska saareen ilaalinta ceelkan’ una tilmaamay inay biyaha ceelkan u adeegsadaan tabaca beero ay dalag ka soo saartaan.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali