Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabaddan oo ay ku qalin jebinayeen dufcadda koowaada ee ka qalin jebinaysa dugsiga sare ee Iskuulka Imaamu Nawaawi degmada Guriceel waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Guriceel, madax ka socotay wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo qaar kamid ah jaamacadaha ka howlgala degmada Guriceel.
Martida ka qayb-galaysay xafladda iyo maamulka iskuulka ayaa dardaaran la wadaagay ardayda waxaana ugu horrayn goobta ka hadlay maamulaha iskuulka Abdirisaq Maxamed Ahmed
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali Abdi