Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maqaayaddan oo lagu magacaabo Maan-soor Fast Food, waxaa hirgalinteeda iska kaashadeen dhalinyaro ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo ajaanib ah, ayaa laga xarig jaray degmada Guriceel.
xaruntaan ganacsi waxaa xariga ka jarkeeda ka qeybgalay Xoghayaha D/guriceel Mudane Bashir Mohamed Salad oo ay welhiyeen mudanayaal ka tirsan Golaha deegaanka Degmada iyo dhalinyaro aqoonyahano ah iyaga oo dhiirigalinayey ganacsiga cusub ee laga hirgeliyay degmada Guriceel.
Warkan waxaa soo jeedineysa:Hamdi Diriye Ali