Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiye ku xigeenka Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud Shaafici Jaamac oo ay wehliyaan taliska Booliisk Degmada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Guriceel ayaa safar shaqo waxaa ay ku tagen deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud halkaas oo beelo wada dega ay xiiso colaadeed ka dhex aloosanaayeen baamlihii lasoo dhaafay.
Deegaannada Xiin qurac iyo Ceel-barafaange ayay masuuliyiintu gaareen si’ay u dhexdhexaadiyaan beelo halkaas wada dega waxaana ay ka qayb-galeen madal heshiis lagu dhex dhigayay beelaha.
Dhanka kalena maamulka Guriceel waxaa ay booqdeen deegaanka Afcagaag oo hoos taga Degmada Guriceel halkaas oo bulshada deegaanku ay cabasho ka ahaayeen jarista dhirta.
Codka Guddoomiyaha
Guddoomiye ku xigenka Guriceel Shaafici Jaamac Cabdi oo la hadlay bulshada Afcagaag ayaa u sheegay inay tallaabo sharci ka qaadi doonaan ciddii lagu arko inay dhirta deegaanka jarayso.