Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada guriceel iyo taliska booliska degmada ayaa kullan ay laqateen Bulshada deegaanka Balli-cil oo hoos yimadaa Guriceel waxa ay kala hadleen amniga iyo nabad kuwada noolanshaha bulshada degaanka.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Guriceel SHafici Jamac Abdi ayaa u sheegay bulshada degaanka in aan laga aqbali karin in qof dhul iska xareysto ama ku sheegto milkiyad been ah.
Taliye Ku xigeenka Booliska degmada guriceel Xasan Quuri ayaa dhankiisa sheegay in jarista dhirta guriceel iyo deganada hoos yimad ay katahay wixi xiligan kadanbeeya mamnuuc cid kasa oo lagu qabtana sharciga la horgeyn doono.
warkaan waxaa soo jeedinaya:-Abdulahi Abdulkadir Nor