Maamulka Degmada Hobyo oo Ololaha Nadaafadeed ka Sameeyay Xeebta Magaaladaas.

0
31

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada Hobyo, Cusmaan Axmed Cabdulle, ayaa maamulka iyo shacabka degmada kala qayb galay hawlaha bilic-soo-celinta xeebta magaalada, kaddib markii bac ay siday doon dhawaan ku halowday marsada Hobyo ay saameysay deegaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada ayaa mar kale ku celiyay in gabi ahaanba la mamnuucay bacaha, lana keeni karin dalka, gaar ahaan dekadda Hobyo.

Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here