Maamulka degmada Matabaan oo ka qeyb galay furitaanka sanad-dugsiyeedka madaarasta Caydruus.

0
54

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa ka qeyb galay munaasabadda furitaanka sanad-dugsiyeedka cusub ee madarasada Caydruus, faraceeda degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka madarasadda, waalidiin, arday iyo culimada deegaanka, iyadoo si weyn diiradda loogu saaray muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay jiilka soo koraya iyo doorka ay madarasaddu ka qaadato horumarka bulshada.

Warkan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here