Maamulka degmada Wadajir oo amaro cusub ku soo rogay bulshada degmadaas

0
39

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Maxamed Cali , ayaa soo saaray amar cusub oo la xiriira nadaafadda deegaanka.
Waxa uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono qoys walba oo lagu arko isagoon nadiifin goobta hortiisa ah.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in nadaafad-xumada ay sabab u tahay cudurrada faafa iyo bilic-xumada magaalada, sidaas darteedna ay lama huraan tahay in shacabka degan Wadajir ay mas’uuliyad iska saaraan nadaafadda agagaarkooda.

Warkan waxaa faah faahinaya:Abdullahi Abdulkadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here